April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

CIIDAMADA MADAXTOOYADA DPL OO GACANTA KU DHIGAY QEYB KA MID AH KEYDKA AL – SHABAAB EE WALXAHA QARXA

Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo howlgalo ka wada duleedka magaalada Boosaaso, ayaa gacanta kusoo dhigay qeyb ka mid ah Kaydka walxaha qarxa oo ay leeyihiin dhagar qabayaasha Al-shabaab.

Ciidamada oo ku guda jira howlgaladooda joogtada ah, waxay duleedka Boosaaso ka heleen God ay argagixisada Al-shabaab ku keydsatay walxaha qarxa, Ciidanka geesiyaasha ah waxay qarxiyeen miino aagaasi ku jirtay, kadibna waxay gacanta kusoo dhigeen tiro bamka gacanta laga tuuro ah iyo walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Laamaha amniga ayaa uga mahad celiyay dadka deegaanka iyo shacabka Puntland sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada heeganka u taagan iyo ka shaqeynta amniga.