April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MAXKAMADDA CQS EE GOBOLADA MUDUG & CAYN OO MAANTA U FADHIISATAY DHAGAYSIGA 9 EEDEYSANE OO KAMID AH ARGAGIXISADA

Magaalada Gaalkacyo Waxaa goordhow ka bilaaban doonta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn Dhageysiga 9 Eedaysane oo 5 kamid ah Xeer ilaalintu ku soo eedaysay Amarka iyo Masuuliyadda Dilalka iyo Qaraxyada ka dhacey magaalada Gaalkacyo 13 sano ee laso dhaafey, kuwaas oo lagu laayey haldoorki iyo miiddii bulshada reer Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.