April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

TABABAR SHAQAALAHA DHEXE EE GUDDIGA DOORASHOOYINKA DPL IYO GUDOOMIYAAL DEGMO UGA SOCDA GAROWE

Waxaa maalintii 3-aad shaqaalaha Xaruntad Dhexe iyo Gudoomiyayaasha degmooyjnka Eyl,Qardho iyo Ufeyn ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland xarunta PDRC uga socda Tababar kor loogu qaadayo aqoontooda.

Shaqaalaha ayaa maanta lagu tababaray qaabka uu ushaqaynayo qalabka diiwaangalinta iyada oo lagu tijaabiyay Gudoomiyaha TPEC ee gobolka Karkaar Maxamuud Ismaciil Salaad.

Tababarkaan oo dhamaan doona 2-da May waxaa Guddiga ka caawinaya dalladda PUNSAA oo taageero ka helaysa Hay’ada Diakonia.