April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

BIYO XIREEN CUSUB OO LAGA DHAGAX DHIGAY DEEGAANKA RABAABLE

Wafdi balaaran oo ay hogaaminayaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa dhagax-dhigay Biyo-xireen cusub oo ay wakaaladdu ka samaynayso deegaanka Rabaable ee Gobolka Nugaal. Biyo-xireenkaan oo qaybka ka ah Mashruuca Biyoole ee uu maalgeliyey Baanka Adduunka ayaa waxaa sidoo kale dhagax-dhggiisa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka midyihiin Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Maamulka Deegaanka.