April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA EE DPL OO QAABILAY MADAXA HAY’ADDA FAO EE SOOMAALIYA

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda puntland Siciid cismaan Aadan ayaa xarunta wasaaradda Xanaanada Xoolaha dawladda Puntland ee Garowe ku qaabilay madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadaleen hormarinta adeegyada caafimaadka Xoolaha iyo mashaariicda socda ee ay iska kaashanayaan wasaaradda iyo hay’adda.