April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO SHIR GUDOOMIYEY KALA FADHIGA 1AAD EE GUDDIGA JOOGTADA AH

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland cabdicasiis cabdullaahi cusman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir gudoomiyay fadhiga 1aad ee guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Dowladda Puntland.

Fadhiga Todobaadkaan ayaa looga hadlay dar-dargelinta Hawlaha shaqo ee Guddiyada Golaha iyo Xaalada siyaasadeed ee guud ahaan dalka Soomaaliya.