Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaamka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dawlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay ku diideen muddo kororsigii sharci darada aheed Dastuurka Dalkana baal marsanaa.
Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa War-qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo
Guddoomiyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorrinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon.


Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA