April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADD DPL OO DALKA DIB UGU SO LAABTAY.

Garoowe: June 12, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo safar qaatay muddo bil ah ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasumada Puntland ee Garoowe, waxaana airportka Maxamed Abshir kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Avv. Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Saraakiil iyo howl-wadeenno ka mid ah Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Diiwangelinta codbixinta saddexda degmo ee EYL, Ufayn iyo Qardho looga sameeyey diiwaangelinta hordhaca ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa ku boggaadiyey shacabka, waxgaradka iyo Maamulada Gobolada Sanaag iyo Haylaan talaabadii ay uga hortageen faragelinta maamulka Somaliland ee Goboladaas.

” Aad iyo aad baan runtii idinka mahad naqayaa soodhaweynta wanaagsan ee qiimaha leh, ee aad ii samayseen, anigu halkan waxaan idinkaga tagay 5tii may, arrimo ii gaar ah buu safarkaygu quseeyey, waa sababta aad warbaahinta iga arki waydeen, waa ALLE mahadii iyadoo gu’gii da’ay oo dalku barwaaqo yahay inaan soo laaabtay.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.