Garoowe, 21, May, 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoowe kaga qayb-galay Aaska Qaran ee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Janaraal Cabdisamad Cali Shire
Masuuliyiin ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska.
Madaxweyne Deni iyo dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.

























Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA