October 18, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA GUNAANADKA SHIRKA ARRIMAH DOORASHADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda gunaanadka Shirka arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu muujiyay sida ay Dowladda Puntland uga go’aantahay in ay dalka ka dhacdo Doorashada maanta laga heshiiyay.

Dowladda Puntland ayaa marwalba u taagan dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya oo ay Puntland dadaal joogto ah ku bixiso, wuxuuna Madaxweyne Deni wakhtigeliyay sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda dalku ku jiro taasi oo maanta laga gun gaaray.