Guddiga wacyigelinta xanuunka covid19 ayaa maanta kulan is xog-waraysi ah ku yeeshay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe.
Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ka soo jeedisey xaaladda caabuqqa covid19 ee Gobolada Puntland, sidoo xubnaha guddiga ayaa is xog-waraysi ka yeeshay saamaynta xanuunkaan iyo sida loo dardargelin karo xakamayntiisa.
Iyadoo laga duulayo qorshaha Dawladda ee helidda warshadaha naqas-ka sameeya wasaaradda caafimaadka ayaa ku Warbixisay in dhawaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland la keeni doono warshadaha dhaliya naqaska ( oxygen).
Guddiga wuxuu dhamaan bulshada Puntland ugu baaqayaa.
-In dhamaan dadka Puntland ku noolaan ay qaataan amarka Dawladda iyo talooyinka bahda caafimaadka ee xakamaynta khatarta covid19.
-In xiliga xagaa baxa, gawaarida dadka Bosaso ka soo qaadaya ay qaadaan ugu badnaan hal-qoys ama dad wada-nool, iyagoo qaadanaya talooyinka bahda caafimaadka.
-Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dhamaan dadka reer Puntland inay qaadataan talaalka covid19 si loo yareeyo saamaynta xanuunkaan.
Wada-shaqayn wacan.










Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA