April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MAXKAMADDA CQS EE GOBALKA MUDUG OO DIL TOOGASHO AH KU XUKUNTAY 5 DHAGAR QABE

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Puntland ee magaalada Galkacyo ayaa xukun dil ku xukuntey 5 nin ee kala ahaa Horjooge Kalaay,Abkow,Laaga,Cali Jareer iyo Nageeye Qanjey,kuwaas oo lagu helay falal dil ah oo iyago Argagaxisada Alshabaab ka tirsan ay ka geysteen magaalada Galkacyo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xoriyaddooda dib ugu celisey 6 qof oo tuhun Alshabaab lagu soo qabtey balse ugu danbeyn wax danbi ah lagu waayey.