April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MASUULIYIIN KA TIRSAN DPL OO GAROONKA DIYAARADAHA QARDHO KUSO DHAWEEYAY WAFTI GANACSATO AH & QUNSULKA ITOOBIYA EE PUNTLAND

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Puntland, ayaa garoonka diyaaradaha Qardho kusoo dhaweeyay Wafti ganacsato ah iyo qunsulka itoobiya ee Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Qardho maanta soo caga-dhigatay diyaarad siday ganacsato u dhalatay dalka Itoobiya , saraakiil ka tirsan shirkadda Ethopian Airline oo uu weheliyo qunsulka dawlada Itoobiya ee Puntland.

WAsiirka duulista hawadda iyo garoomada dawlada Puntland Ilyaas lugatoor gabilay, Xildhibaan Axmed daad jaamac diiriye oo ka tirsan baarlamaanka dawlada Puntland, Maamulka degmadda Qardho, kan gobolka karkaar, taliska qaybta iyo xisaabiyaha wasaarada maaliyada ayaa soo dhaweeyay ganacsatadaan oo safar shaqo maalmihii lasoo dhaafay ku joogay deegaanadda Puntland.

Ujeedada socdaalkooda ayaa salka ku haysay sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen garoonka diyaarada ee qardho oo mustaqbalka dhaw la rajaynayo in ganacsatadaan iyo muwaadiniinta reer Puntland ee ku dhaqan dhulka xeebaha ah ee gobolka karkaar uu isku xiro, si laysu waydaarsado shixnadaha ganacsi.

Wasiir Luga-toor iyo Xildhibaan daad ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ay tahay sidii loo qiimay lahaa xaaladda garoonka si loo ogaado caqabadaha jira, adeegyada uu bixin karo garoobku hadda iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir iyo Duqa degmadda Qardho ayaa sheegay in duulimaad la rajaynayo in uu bilaabmo in uu yahay mid fursad ganacsi u abuuraya shacabka gobolka karkaar iyo kan degmadda Qardho, ayna tahay talaabo guul ah.

Qusulka dawladda Itoobiyaha ee Puntland, ayaa dhankiisa ka waramay xiriirka qotodda dheer ee laba dhinac ay leeyihiin, sidda ganacsatada Itoobiya ugu soo dhiiranayso in ay maal-gashi iyo xiriir ganacsiba la yeeshaan shacabka Puntland.