April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

SHIR AY ISUGU YIMAADEEN AGAASINKA DAKHLIGA WASAARADDA MAALIYADDA IYO QAYB KA MID AH SHIRKADDAHA QANDARAASYADDA PUNTLAND OO KA QABSOOMAY GAROWE

Shir ay isugu yimaadeen Agaasinka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo qayb ka mid ah Shirkaddaha Qandaraasyadda ee Deegaanadda Puntland ka howlgala.

Shirkaan oo uu kasoo qayb galay Agaasimaha ku-xigeenka guud ee dakhliga Md Abshir Mohamed Abshir iyo Madaxda kale ee Dakhliga shirkaan oo u jeeedkiisa ahayd in Ganacsatadda Qandaraaslayda ah sidii ay ugu kor u qaadi lahaayeen dakhliga dowladda oo ay u bixin lahaayeen cashuuraha ku waajibay qandaarasyadda ay ku guulaystaan isla markaasna ay u hogaansanaadan bixinta cashuuraha Dowladda.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay siidi ay dhamaan ganacsatada muwaadiniinta ah ay u bixin lahaayeen Cashuurta macaashka qadaraaska oo ah cashuur ku waajibtay qandaraaslaha, cashuurta diwaangalinta qandaraaska iyo cashuuraha shaqaalaha oo ah dhamaan cashuuro uu wajibiyay sharciga cashuuraha Dawladda Puntland

Agaasimaha ku-xigeenka guud ee dakhliga ayaa xusay, in dhamaan shirkadaha wadanka faaidada ay u leeyihiin dhanka horumarinta, shaqa abuurka iyo Cashuur bixinta isaga oo ku baraarujiyay Ganacsatadda in ay xoojiyaan oo ay ahaadan kuwa Dowladda garab istaaga si Dowladdu u ahaato mid gudata shaqooyinka loo igmaday,dhica kale Agaasimaha ayaa balan qaaday in dowladu dhankeeda ay dhamaystirayaan dhamaan adeegyadda oga xiran.

Gabagabadii Shirkadaha ayaa u mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda sida qadarinta leh ee ay ula dhaqanto taasoo ay ku amaaneen in kor loo qaaday habka adeeg bixinta cashuuraha , dhanka kale waxay codsadeen in Wasaaradda Maaliyadu ay ka qayb qaadato xalinta caqabadaha shirkadaha haysta si ay u noqdaan cashuur bixiye wanaagsan.