April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

XILDHIBAANO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADDA DPL OO LACAG DHAN 18.000.00 DOOLAR KU WAREEJIYAY GUDDIGA XALLINTA SHAQAAQO HORAY UGA DHACDAY MIYIGA DEGMADDA ISKU-SHUBAN

Xildhibaan Axmed-daad Jaamac Diiriye, Xildhibaan Faysal Cumar Maxamed ( Geesdir) iyo Xildhibaan Faarax Khaliif Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa lacag dhan $18.000.00 dollar ku wareejiyey Guddiga xallinta shaqaaqo horay uga dhacday miyiga Degmadda Isku-shuban ee Gobolka Bari taas oo ay kala qeyb-qaateen Golaha Wakiillada.Xildhibaanada ayaa horay uga balan-qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dhaqaale loo qorsheyay xal ka gaarista shaqaaqadaas, waxaana wareejinta maanta dhaqaalaha kala qeyb-galay Guddoonka Gobolka Karkaar iyo qaar ka mid ah waxgaradka degaanka Qardho.Xildhibaanada ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada, Guddoonka Baarlamaanka gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil kaalinta uu ka qaatay xal u helida shaqaaqadii ka dhacday miyiga Degmadda Isku-shuban.