Garoowe:- Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland ka dhacay shir wadajir ah oo ay qaateen wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Iyo gudiga dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee golaha wakiilada Puntland.
Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed guddoomiyaha guddiga dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee golaha wakiilada ayaa hogaaminayey dhanka gudiga Golaha wakiilada iyadoo Dhanka wasaaraddana shirkan ay hogaaminaysay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Marwo. Saynab ismaaciil Maxamed “Tiimbiye” waxaana shirka joogay agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimeyaasha waaxyaha, lataliyeyaasha wasaaradda iyo Xildhibaanada qaybta ka ah gudiga dhawrista Deegaanka ee golaha wakiilada.
Shirka intii uu socday ayaa ay wasaaraddu kusoo bandhigtay waxqabadkeedii dhanka ilaalinta Deegaanka, hormarinta dhul-daaqsimeedka, ka hortaga xaalufka iyo arimo kale oo ay wasaaraddu ku guulaysatay mudooyinkii u danbeeyey, dhanka kalena wasaaraddu waxay soo bandhigtay caqabadaha kaladuwan ee haysta wasaaraddu iyo sida ay xalka u aragto, shirka ayaa kusoo dhamaaday isfahan.













Warar lamid ah
Wafti ka kooban Golayaasha Dowladda Puntland oo koormeer shaqo ku tagey deegaanada laga saaray Argagixisada Daacish ee Tuurmasaale illaa Sheebaab.
رئيس حكومة بونتلاند يشارك في المؤتمر التشاوري للإنتخابات في مقديشو
عقدت لجنة الإنتخابات المؤقتة في بونتلاند إجتماعا لعدد من المواطنين في بلدة #أفين لرفع الوعي المجتمعي بشأن الإنتخابات المباشرة