October 18, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KHASAARAHA ROOBABKII DHAWAANAHAN KA DA’AY DEGAANNADA PUNTLAND

8 qof ayaa ku dhintay, 1500 ( kun & shan boqol) Adhi ah-na waa ku le’deen Roobabkii dhawaan ka da’ay deegannada Puntland. Maarreeyaha guud ee haya’dda Maarraynta Masiibooyinka Puntland Cabdullaahi Cayrow ayaa xogtan u xaqiijiyey PLTV.

Maarreeyaha ayaa xusay in dadka dhintay oo iskugu jira carruur & kuwo waawayn ay qaarna daad la tageen, qayb-na wiriq ama danab halleelay, halka kuwa-na ay liqeen oo ay ku dhaceen Goobo biyo fadhisteen.

Faahfaahinta goor dhaw ayaanu idiin soo gudbinaynaa, haddii Rabbi idmo.