April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WAFDI KA MID AH XUKUUMADDA,XILDHIBAANO IYO MADAXTOOYADA DPL OO GAARAY DEGAANO KA MID AH GOBALKA GARDAFUU

Wafdi ka kooban Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland, Sarakiil ka tirsan Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Gardafuu kan Degmada Caluula oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa waxaa ay kormeero shaqo ku tageen deegaanada Xaabo, Geesaley iyo Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafuu.

Waftiga ayaa waxaa ay magaalooyinkaas kulamo kula qateen Wax-garadka, Odayaasha iyo bulshada kunool deeganadaasi, Waxayna booqasho iyo indha indheen ku tageen xarumaha arrimaha bulshada sida Isbitaalada, Dugsiyada waxbarasahda iyo gobaha danta guud, Iyagoona u kuur-galay xaaladda Gobolka iyo Ogaanshaha hanaanka shaqo si loo dardar galiyo adeegyada bulshada.