April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASAARADDA WARFAAFINTA IYO WASAARADDA WAXBARASHADA EE DPL OO KULAN KU YEESHAY GAROWE

Magaalada Garoowe waxaa maanta kulan kuwada yeeshay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland.

Kulankaan oo u jeedkiisu ahaa Hirgelinta Xeerka ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa waxaa ka soo gayb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Timocadde), Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiir Dowlaha Waxbarashada Cabdullaahi Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Ciise Cismaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Faarax.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Tayaynta Manhajka af-Soomaaliga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa Afka Soomaaliga iyo tayeynta Macalimiinta Afka Soomaaliga dhiga.

Inta uu kulankaas socday waxaa looga wada hadlay sidii dowlad ahaan loo xoojin lahaa adeegsiga afka Soomaaliga iyo horumarintiisaba.

Kulanka ayaa Waxaa la isku dhaafsaday talooyin badan oo la xiriiray dhawrista af-Soomaaliga oo ay ka mid yihiin in waxbarashada sare lagu daro daraasadda afka Soomaaliga iyo in la sameyn doono aqoon is waydaarsiyo kor loogu qaadayo adeegsiga afkeenna hooyo.

Waxaa ugu dambayn la isla qaatay in labada wasaaradood ay ka wada shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirkooda ayna isaga kaashan lahaayeen ilaalinta af-Soomaaliga.