Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland laga daahfuray kana bilawday olole balaaran oo wacyigalinta xanuunka Covid19. Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaa shanaysa kooxo isku jira bahda caafimaadka, Maamulka gobolka iyo kan Degmada Garowe, ururada haweenka, culimada, ururada dhalinyarada, ururada Jaamacadaha, warbaahinta, bulshada rayidka ah, lamaaha xaafadaha iyo taliska qaybta ayaa xarunta caafimaadka gobolka ka daahfurtay ololahan oo loogu talagalay in bulshada looga wacyigaliyo khatarta xanuunka, saamayntiisa, sida looga hortagi karo iyo qaadashada talaalka Covid19.
Kooxahaan oo isku qaybin doona qaybo kala duwan oo wata baabuur lagu xiray sameecado iyo agab loogu talagalay inay bulshada ugu gudbiyaan fariimaha wacyigalinta ah ayaa magaalada ka bilaabi doona wacyigalintaan.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo kulanka daahfurka ka hadlay ayaa ugu horayn uga mahadceliyay ka soo qaybgalayaasha kulankaan muhiimka ah oo dadweynaha gobolka Nugaal looga wacyigalinayo waqtigan adag ee lagu jiro xanuunka Covid19 oo bilihii lasoo dhaafay uu kordhay dadka laga helayo iyo kuwa udhimanaya xanuunka. Hadaba waqtigan waxaa kusoo beegay inaan bilawno wacyigalintaan in ay dhawdahay ciida soonfur suuqana ay tahay waqtiyada ugu dadka badanyahay taas oo fududayn karta in xanuunku ku kordho isku imaatinka badan ee bulshada.
Waxa ugu weyn ee wacyigalintaan oo aan horay uga soo qabanay gobolada Karkaar iyo Bari uu yahay in dadweynaha laga wacyigaliyo khatarta xanuunku keeni karo waxaana kooxahaan ukala qaybsanyihiin kuwa xaafadaha taga kuwa suuqa maraya iyo culimada oo masaajidada ka bilaabaya wacyigalinta.
Waxaa ugu muhiimsan ee dadweynaha loo sheegayaa waa inay Afxirka isticmaalaan, inay kala fogaadaan kana baaqsadaan isku imaatinka aan muhiimka ahayn iyo tan ugu muhiimsan oo ah inay talaalka qataan.
























Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA