April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA DPL OO DAYACTIR KU SAMEYSAY QEYB KA MID AH CEELASHA DEEGAANKA

Wakaaladda horumarinta biyaha Puntland oo dardargalin ku wada sidii ay ceelasha biyaha Puntland u heli lahaayeen dayactir ku filan,ayaa dayactir ku samaysay ceelka biyaha Tuulada Xasbahalle ee Gobolka Nugaal.

Waxay Wakaaladda horumarinta biyaha Puntland mar walba u taagantahay in dhammaan ceelasha biyaha Puntland dayactir joogto ah oo ku filan helaan, si dhammaan shacabka Puntland ay u helaan biyo kufilan tayo ahaanna aad u sareeya.