April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASAARADA MAALIYADA DPL EE GOBALKA MUDUG AYAA MAGAALADA GAALKACYO KA WADA OLOLAHA LAGU SOO QABANAYO GAADIIDKA AAN CANSHUURTA BIXIN

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada Ololaha lagu soo qabanayo Gaadiidka aan bixin Cashuurta ku waajibtay.

Ciidamada Ilaaladda Cashuurta ayaa jidadka muhiimka ah ee magaalada dhigay baro- Kontarool oo lagu hubinaayo gaadiidka aan Cashuurta bixin.

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Mahdi Faarax Qambi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey ,Maamulaha kastamada gobolka Mudug iyo Taliyaha ciidanka Ilaaladda Cashuurta ayaa goobahasi si wada jira hubinayey habsami u socodka shaqada.

Gaadiidka aan cashuurnayn ee ay qabtaan Ciidamadu ayaa la geeyay goobaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ku qaado cashuurta Gaadiidka, Halka qaar kale ku bixnayeen cashuurta isla goobta ciidamada Ilaaladda cashuurahu ku qabteen.

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mahdi Faarax Qambi ayaa fariin u diray wadayaasha gaadiidka iyo mulkiilayassha inay iska bixiyaan cashuurta ku waajibtay.

Sidoo kale Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey ayaa isaguna sheegay inay wadi doonaan hubinta iyo qaadista cashuurta ku waajibtay gaadiidka.