Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir ku saabsan habka qiimaynta kartida shaqaalaha ee loo yaqaan [performance Appraisal].
Shirkan ayaa ah mid lagu soo bandhigayay qaabka ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo xirfada shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland halka madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntlanduna qiimeyn ugu sameeyaan shaqaalaha ay xukumaan taasoo loo sameynayo Waaxyaha dhammaantoodqeexida shaqooyinkooda[Terms of reference].
Shirkan waxa kasoo qayb galay dhammaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayagoona bogaadiyay khabiirka soo jeedinta sameeyay iyo shaqada wanaagsan ee u ka qabtay.
Dawladda Puntland ee uu Hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku astaysan Tayayn iyo Tiigsi si loo dhiso dawladdnimo taabagal ah.




















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA