April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA SHAQADA IYO SHAQAALAHA DPL OO KA QAYB GALAY ISKU AADKA TARTANKA KOOXAHA HEERKA 1AAD EE PUNTLAND

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa ka qayb galay isku aadka tartanka kooxaha heerka Kowaad ee Puntland.

Kulankan oo ay goob joog ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xildhibaan ka tirsan puntland, lataliyaha madaxwaynaha arimaha Ciyaaraha, gudoomiye ku xigeenka xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Agaasimaha waaxda Ciyaaraha iyo Marti kale. Kulankan ayaa loogu quri tuuray sagaalka kooxood ee heerka Kowaaad isku aadka iyo siday ukala horaynayaaan kulamada ciyaaraha iyagoo kooxaha dhamaantood goob jooh ahaayeen kulankan.

Tartankan ayaa ka furmaaya 15 bishan Juun garoonka kuubada cagta ee Mire Awaare Garoowe, koobkan ayaa noqon doonan iswada arag kooxu ciyaari doonan, xafladan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xiriirka kuubada cagta Puntland.