Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Ahmed Mohamed Yusuf (Taarran) ayaa ceel biyood cusub kadhagax dhigay Deegaanka jeedaal ee Degmada Ufayn Gobolka Bari. Sidookale waxaa wasiirka ku weheliyay munasabada dhagax dhiga xubno ka kala socday golayaasha dowladda iyo Baarlamaanka Puntland.
Waxa kale munasaba ka soqayb galay dadwaynaha deegaanka oo dhan iyaga oo wasaaradda iyo Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland uga mahad ceshey shaqada wacan ee ay dalka iyo dadkaba u hayaan.
WASIIRKA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DPL OO CEEL BIYOOD CUSUB KA DHAGAX DHIGAY DEEGAANKA JEEDAAL





Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA