April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

XUKUUMADDA DPL OO LACAG U QOONDEYSAY URUR SIYAASEEDYADA PUNTLAND

Xukuumadda PL oo $90’000 qoondaysay Urur siyaasadeedyada Puntland.

Ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Dowladdu ay $ 90’000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka oo arrintan kaga dhawaaqay xilli magaallada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne ku xigeenka ah-na ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono hal mar $10’000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.