April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE GOLAHA WAKIILLADA DPL OO QARDHO KAGA QAYBGALAY DAAH-FURKA DIIWAAN GELINTA CODBIXIYAASHA

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta magaalada Qardho kaga qaybgalay Daah-furka Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweyne Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Wakiillo ka socday Ururada Siyaasadeedyada Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Maamulka iyo shacabka degmada Qardho.