Garowe June, 1, 2021:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba oo maanta daahfuray aqoon kororsi ku saabsan Hannaanka cusub ee Dhaqli Arruurinta iyo kobcinta ilaha Dhaqaalaha ee Dowladaha Hoose.
Waxaana aqoon kororsigaan ka faa’ideysan doono Masuuliyiin kasocotay Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka, Bosaaso, Qardho, Burtinle iyo Gaalkacyo,
Hannaanka cusub ee dhaqli uruurinta iyo kobcinta ilaha dhaqliga ayaa ah hab cabsriya waxaana hadda si toos ah ugu shaqaysa Dowladda Hoose ee Degmada Garowe,
Masuuliyiinta kasocday Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka ayaa kormeer ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada si ay usoo arkaan qaabka uu shaqeeyo Hannaankani. Waxaana kormeerka ku wehlinayey Lataliyaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.



















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA