April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WAKAALADA BIYAHA DPL OO GAARI RIIG AH IYO QALAB KALE KALA WAREEGATAY HAY’ADDA ISLAAMIC RELIEF

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntand ayaa agab isugu jira gaari riig ah oo loogu talagalay dayactirada ceelasha iyo matoor lagu buufiyo ceelasha kala wareegtay Hay’adda Islamic Relief.
Waxaana agabkaas ka gudoomay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Ahmed Siad Qoloombi iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Mohamed Abdulqadir Mohamed waxa ayna uga Mahad celiyeen Hay’adda Islamic Relief agabkan ay soogaar siiyeen wakaaladda.