April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

DIIWAAN GELINTA CODBIXIYAAASHA DEGMADDA EYL OO SI GUUL AH KUSO DHAMAATAY

Diiwaan-gellinta codbixinta degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo soo bilaamatay 18-kii May kuna ekayd 01-da June oo Guddigu markuu arkay dadka isdiiwaangalinayay oo wali buuxinayay goobaha diiwaangalinta ugu daray mudo 4 bari ah ayaa guul kusoo dhammaatay maanta .

Diiwaan-gellinta ayaa ka dhacday dhamaan deegaanada hoosyimaadda degmada Eyl, sidoo kale kooxaha guur-guura ee diiwaangalinta ayaa tagay goobaha ay degan yihiin iyo meelaha ay isugu yimaadaan dadka reer guuraaga ah ee aan soo gaari karin tuulooyinka iyo degmada Eyl-ba si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah Waxaana qalabkii iyo shaqaalihii diiwaangalinta ee degmada Eyl ay caawa kusoo xaroodeen xafiiska TPEC ee degmada Eyl.

Guddiga ayaa u guda gali doona tirinta dadka isdiiwaan-gelliyey iyo samaynta kaarar-kooda iyadoo dhawaan xubnaha sare ee Guddigu ka fariisan-doonnaan astaynta mudadda ay qabsoomi doonto doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Guuleed Saalax Barre iyo dhaamaan xubnaha sare ayaa uga mahadceliyey shaqadii adkayd ee ay soo qabteen shaqaalaha diiwaan-gellinta.