Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawaladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo howlo shaqo ujooga Gobolka Garadfuu ayaa lagu soo dhaweyeey deegaanka xaabbo oo Hoostagta degmada Caluula.waxaa wafdiga wasiirka soo dhaweeyey waxgarad, nabad-doono, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiir Cabdullaahi ayaa kormeer kutagay goobaha waxbarashada ee deegaanka isagoo warbixinno ka dhagaystay masuuliyiinta dugsiyada waxbarashada, dhanka kalana wasiirku waxa uu kormeeray dugsiga sare ee Xaabbo oo ay wasaaraddu dhisme cusub ku dartay kaa oo ay shaqadiisu haatan socoto.
Wafdiga wasiirka ayaa dugsiga hoose dhexe kulan kula qaatay guddiga waxbarashada magaalada xaabbo kuwaa oo masuuliyiinta uga warramay waxbarashada deegaanka, caqabadaha jira iyo baahiyaha dhanka waxbarasho ee deegaanku qabo.
Dhanka kale wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan intii uu ku gudo jiray kormeerkiisa waxa uu tagay dugsiga hoose Dhexe ee deegaanka Geesalay, isagoo isla dugsiga kulan kula qaatay masuuliyiinta waxbarashada deegaanka.

















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA