Qardho: Dugsiyada Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo ku yaala degmada qardho waxaa si wayn looga dareemayaa qaban qaabada xaflada soo af-meerida Ciidamada booliska oo mudo tababar uga socday Dugsiga Xorgoble.
Xorgoble waxaa booqaday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga dib uhabaynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada daraawiishta iyo Taliyaha Ciidamada booliska Dawladda Puntland.
Guddiga waxaa Xorgoble ku soo dhoweeyay Taliyaha Dugsiga waxana ay saalaan sharaf ka qaateen Ciidamada tababarku uga socday Dugsiga Xorgoble.
Xukumadda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wali ku guda jirta dhismaha Ciidamada waana balan qaad- yadii Madaxweyne Deni oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland










Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA