WAR GELIN MUHIIM AH
Muwaadin waxaa lagugu war gelinayaa in Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso ay bilowday hab cusub oo ay u qaadi doonto cashuurta guryaha. Waxaa guri walba la keeni doonaa Rasiid (Boono) ay ku qoran tahay cashuurta laga rabo gurigaas.
Marka aad hesho rasiidkaas, muwaadin waxa aad haysataa muddo 5 cisho ah oo aad ku bixin kartid lacagta cashuurta ah ee ku waajibtay gurigaaga.
Hadaba si aad isaga bixiso cashuurta lagugu leeyahay, fadlan raac tallaabadan:
Garaac: 214 geli Bill-Number-ka ku qoran xagga sare ee boonada (Rasiidka) laguu keenay, kadib taabo calaamadda #. Waxaa kusoo bixi doona magacaaga iyo lacagta lagaa rabo inaad bixisid, kadib geli Passward- ka sahalkaaga.
Tusaale: 21420210000623# Kadib geli Pin-ka Sahalkaaga.
Muwaadin, hadii ay jiraan wax cabasho ah oo aad qabtid ama su’aalo aad jeceshahay in aad weydiiso mid kamid ah xafiis-yada Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso, mar walba waxa aad si toos ah usoo wici kartaa lambarka qancinta muwaadiniinta ee ah: 214.
Hadii aad rabto in aad si gaar ah ula soo xiriirtid Xafiiska Cashuurta Guryaha, ugu horrayn garaac 214, kadibna dooro lambar 1 oo ah waaxda Hawlaha Guud ee Dawladda Hoose, kadib markale sii dooro lambar 1 oo ah Xafiiska Cashuuraha Guryaha, ama soo wac lambrka 0907-350389.





Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA