Fadhiga 2-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Gudoomiye Cabdirashiid Yusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi cismaan , iyo ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta ayaa madax-guddiyeedyada looga dhagaystay warbixino la xiriira arrimaha bulshada, amniga, dhaqaalaha iyo Saamaynta Caabuqa COVID-19 ee Dawladda Puntland.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa Guddiga warbixino ka siiyey kormeero shaqo ay ku tageen qaybo ka mid ah Gobollada Puntland. Kormeeradaas oo la xiriiray u kuur-gelidda xaaladaha bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee Gobollada.







Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA