April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO QAABILAY QUNSULKA ITHOPIA EE DPL

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland GudoomIye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cisman ayaa xarunta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane, Degnachew Yitbarek.

Guddoonka Golaha iyo Qunsulka Dowladda Itoobiya ayaa ka wada-hadlay arrimaha ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.

Dhinaca kale, kulanka waxaa ka qeyb-galay Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame.