April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KULAN SHIR AH OO DHEX MARAY WASAARADDA SH.SH.DH.C DPL IYO HAY’ADDA SAVE THE CHILDREN OO KA DHACAY GAROWE

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland ayaa waxaa ka dhacay kulan kala warqaadasho ah kaas oo udhaxeeyay Wasaaradda iyo hay’adda Save the Children kaas oo looga hadlayay mashruuca SAGAL ( ILED). Kaas oo lagu caawinayo dadka nugulka/tabarta yar, mashruuca oo dhawaan ka bilaabanaya qaybo kamida deeganada Puntland.

Shirka waxaa gudoominaayey Wasiirka Jaamac Faraax Muuse oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hodan Said iyo Agaasimaha guud Ahmed Tigaana Abdalla dhanka Save Children waxa ka qayb galay madaxa Save ee Puntland Maxamed Cabdi qaadir iyo qaybo kamida shaqaalaha mashruuca SAGAL( ILED) ee Save Children. Sidoo kale waxaa goob jooga ahaa Agaasime waxeedada Wasaaradda iyo lataliyaha Wasiirka.

Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland