Kulanka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Ururada Siyaasadda Puntland.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Ka dhagaystay Ururada Siyaasadda Puntland fikradahooda ku aadan Habraacyada kala ah 1-Hab-raaca ka qaybgalka guud ee doorashooyinka iyo 2-Hab-raaca korjoogtaynta doorashada oo horay loogu soo bandhigay Ururadda balse ay codsadeen in la siiyo wakhti ay kuso akhristaan.
Sidoo kale waxay Ururaddu saxiixeen Habraaca Anshaxa Ururadda Siyaasadda ee diiwaangelinta codbixiyayaasha oo horay loogu wadaagay.
Ugu danbeyn waxaa kulanka soo xiray Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre oo Ururadda kula dardaarmay in loo diyaargaroobo doorkooda ay ka qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha oo bacda ciid bilaami doonta.






















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA