October 19, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA DPL OO QAABILAY SARAAKIIL KA SOCDA (WHO)

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre iyo Agaasimaha Hawlgalada Doorashooyinka Mudane Maxbuub Nuur ayaa maanta la shiray saraakiil ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Waxay ka wada hadleen sidii WHO kaalin uga qaadan lahayd ilaalinta badqabka dadwaynaha ee ku aaddan caabuqa Corona ha xilliga diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada.