Gaalkacyo, 2-June – 2021 :- Gudoomiya Gobalka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Mudug oo isbuucle ahaa.
Waxaa goob joog ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo darajada 1aad ee Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo.
Shirkan oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa la iskula wadaagay xaaladihii ugu danbeeyey ee ka soo cusboonaday guud ahaan Gobolka Mudug iyadoona amaro lagu xoojinayo Amniga Gobolka oo kala ah, maadaama ay bilaabanayso Doorashada Xildhibaanada DFS in Musharaxiinta utartamaya aysan la iman karin baabuurta gaashaaman ee ciidanka iyo in Dowladu Ciidamo gaara oo ay ugu talagashay siinayso oo sugaya amnigooda, si toosa inay ubilaabatay Diiwaangalinta gaadiidka taaso qayb ka qaadanaysa Amniga iyo inaanay dib usoo laaban shaqaaqadii ka dhacday saldhiga Degmada Bursaalax oo ay baaritaano iyo dabagal kuwado dowladu tilaabo dharciyana laga qaadi doono cidkasta oo isku dayda arintaaso kale.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG









Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA