April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA WAXBARASHADA DPL OO GAARAY DEGMADDA CALUULA

Gardafuu:- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa gaaray degmada Caluula ee magaalo madaxda gobolka Gardafuu, maamulka gobolka, ka degmada iyo qaybaha bulshada ayaa waftiga wasiirka kusoo dhaweeyay degmada.

wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa u kuur galaya hannaanka waxbarasho ee gobolka baahiyaha jira iyo heerka waxbarashadu ka joogto gobolkan oo ka mid ah deegaannada laamiga ka durugsan.