Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL Xil. Cawil Xassan Daad iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhawrista Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladda Xil. Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) oo hawlo-shaqo ku jooga Gobolka Nugaal ayaa Kormeer u kuur-gelid ah ku tagay Kastamka Degmadda Burtinle.
Guddoomiyeyaasha Guddiyada ayaa markii hore booqday Kaftamka Canshuuraha ee Berriga ee Degmadda Burtinle halkaas warbixin kaga dhageysteen Maamulaha Kastamka.
Guddiga ayaa ka xog wareystay shaqooyinka Kastamka, habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyeen masuuliyiinta arrimahaas.
Xildhibaannada ayaana kula dardaarmay masuuliyiinta ay la kulmeen in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh, waxaana Kormeerkan Guddiga uu qeyb ka yahay shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.









Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA