April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYAHA XUQUUL INSAANKA DPL OO BOOQDAY TALISKA GUUD EE CIIDAMADA DIFAACA DPL

Gudoomiyaha xuquuqul insaanka dowladda puntland Abuukate Said Abdi Muumin iyo garyaqano la socday oo soo booqdey Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.


waxa Taliska kusoo dhaweeyay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda puntland S/Gaas Yaasin Cumar Dheere, waaxana sidoo kale kasoo qayb galay kulanka gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida S/Guuto Maxamuud Abdi Mahamed kulanka Taliyaha waxa ku weheliya taliye xigeenka 1aa, Hogaanka ciidanka, Hogaanka taakulaynta, Hogaanka Hawl-galinta, sarakiisha xafiiska iyo Taliyaha qaybta 26aad CD, kulanku wuxuu ahaa is xog wareysi iyo wadashaqayn buuxda sidii loo xoojin lahaa iyo sidii la iskugu xiri lahaa hay’adda xuquuqul insaanka iyo Taliska guud ee Ciidanka Difaaca Puntland