April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASAARADAHA CAAFIMAADKA IYO CADAALADDA DPL OO SOO SAARAY HABRAACA TUKASHADA SALAADA CIIDKA

Wasaaraddaha Caafimaadka Iyo Cadaaladda oo soo saaray habraaca loo marayo tukashda salaada ciidul fidriga.

Kulan ay wada qaateen wasiiradda wasaaraddaha caafimaadka iyo cadaaladda Puntland iyo culimada ayaa looga wada hadlay sida loo tukanayo salaada Ciida.

Wasiiradda ayaa culimada la wadaagay xalaada Coronaha ee Puntland iyo sidii masuuliyad la iskaga saari lahaa in dadka imaanaya meelaha lagu tukado ay ku baraarugsanyihiin sidoo kalena ay ka taxadaraan fiditaanka Xanuunka.

Culimada ayaa soo dhaweyay kulanka ay la qaateen wasiiradda waxayna la wadaageen sida nidaam la isku raacsanyahay loo tukan lahaa salaada.

Intaas ka dib wasiiradda labada wasaaraddood ayaa soo saaray habraaca loo marayo tukashada salaada ciidul fidriga.