April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

HOWLGALLO LAGA SAMEEYAY BOOSAASO OO LAGU SOO QABTAY HUB, RASAAS IYO KOOXDII WADATAY’

HOWLGALLO LAGA SAMEEYAY BOOSAASO OO LAGU SOO QABTAY HUB, RASAAS IYO KOOXDII WADATAY’

Hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Gobalka Bari ka hawlgala ayaa waxay ku gulaysteen in lasoo qabto hub, rasaas iyo Raggii watay iyadoo ay socoto baaritaano la xiriira dadkii lagu soo qabtay Howshaan. Kadib howlgallo laga sameeyay gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo Wariyayaasha La hadlay ayaa sheegay in dhammaan ciidamada gobalka Bari Sida Booliska’ Nabadsugidda, madaxtooyada iyo PMPF uu uga mahadcelinayo Howsha adag ay ka hayaan gobalka Bari, isagoona ku dhiirrigaliyay in ay xoojiyaan ammaanka gobalka Bari waxa kale oo uu sheegay in ay socdaan Baaritaanno la xiriira Falkaan.

Ugu dambeyn Taliye Xuseen ayaa u mahadceliyay shacabka gobalka oo kaalin ka qaata sugidda ammaanka waxana uu sheegay in ay xoojiyaan la shaqeynta bulshada.