April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA CAAFIMAADKA DPL OO BOOQDAY CUSBITAALKA QARDHO

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Jama Faarax iyo Xildhibaan Axmed daad Jaamac Diiriye oo booqday Cusbitaalka magaalada Qardho.

Dr Jamaac Faarax Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland iyo Xildhibaan Axmedaad Jaamac Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Dr-Mohamed Xidig, Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar Liibaan Yuusuf Axmed iyo Masuuliyiin kale ayaa booqday Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho.

Dr-Jama Ildab Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka ayaa soo dhaweeyay waftigga, waxa uu geeyay qaybaha uu cusbitaalku ka kooban-yahay, sidoo kale waxa uu u sharaxay adeegyada ay bulshada siiyaan, waxyaabaha uu soo kordhiyay mudadii koobnayd ee uu maamulka cusbitaalka hayay, Caqabadaha jira ee ay doonayaan in laga caawiyo, dadaaladda ay wadaan iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Wasiir Jaamac iyo Xildhibaan daad ayaa Dr Jama Ildab ku amaanayay shaqadda uu qabtay, isku xirka cusbitaalka iyo bulshadda iyo soo kordhinta qaybaha cusub, waxayna kula dar-daarmeen in uu halkaas shaqadda kasii waddo.