April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA DPL AHNA MADAXWEYNE KU XIGEENKA AYAA KA TACSIYEEY GEERIDA KU TIMI MADAXWEYNE KU XIGEENKII HORE EE DPL

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu tacsida iyo tiiraanyada geerida Alle naxariis waarta ha siiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire la qayb-sanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cabdisamad Cali Shire waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda waxa uu kamid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu
Alle ‘SWC’ u waydiinayaa dembi dhaaf iyo naxariistiisa Janno. Samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.