April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL AHNA GUDDOOMIYAHA URUR SIYAASADEEDKA KAAH OO CAAWO XARUNTA URURKA EE QARDHO KULAN KULA QAATAY MAS’UULIYIINTA GOLAHA DHEXE IYO QAAR KAMID AH TAAGEERAYAASHA URURKA

Qardho: 02 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, ayaa caawa xarunta Ururka ee Qardho kulan kula qaatay Masuuliyiinta Golaha dhexe iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Ururka KAAH ee Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Masuuliyiinta, howl-wadeenada iyo taageerayaasha Ururka ee heer Gobol, Wuxuuna uga mahadceliyay sidii ay uga qeybgaleen diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Qardho.