Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka Caasimadda Garoowe.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.
Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.
Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.

















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA