April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYB GALAY QADO SHARAF MAAMULKA GOBALKA KARKAAR UGU SAMEEYAY MADAXWEYNAHA IYO WAFDIGA LA SOCDA EE QARDHO KU SUGAN

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Qado Sharaf Maamulka Gobolka Karkaar uu beerta nasashada ee Ceel-harre ugu sameeyey Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ee Qardho ku sugan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celliyay bulshada degmada Qardho, siday Hormuud ugu noqdeen hirgellinta nidaamka Dimuqraadiyada iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen isdiiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada goleyaasha deegaanka ee degmada Qardho.