Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsidaydeeyey geerida Danjire Yuusuf Cumar Al-Azhari Madaxweynaha ayaa dhambaalka tacsida ku bilaabay ” Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha u naxariisto Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari, oo ku geeriyooday Garoowe”.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumka ahaa- “Wuxuu ahaa diblumaasi Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, wuxuu door muhim ah kasoo qeyb qaatay dhismihii Puntland iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya”.
“Marxuumka alle janadii ha geeyo, waxaan Tacsi u diraya dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, Eheladii iyo qoyskii uu ka baxay”.


Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA